Wararkii ugu dambeeyey munaasabadda saxiixa heshiiska doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee u diyaar-garowga munaasibadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Teendhada AfisyoonI oo ku dhex-taallo xerada Xalane.

Munaasibaddaan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah munaasibaddaan xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa hadda soo gaaray oo ku sugan wakiilo ka socda mdaxda ka qeyb-galeysa munaasibadda, ayada oo aysan weli soo gaarin madaxda ka qeyb-galaysa munaasibaddaan.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay xarunta shirka lagu soo xirayo, sidoo kalena lagu saxiixayo heshiiskii doorashada ay gaaran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo madaxda kale ee lagu marti qaaday.

Sida lagu sheegay jadwalka xafladdan waxaa munaasabadda furayo ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo kadib lagu dhawaaqi doono dhammeystirka heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeedin doono dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada, guddoomiyaha G/Benaadir, guddoomiyeyaasha labada gole ee BF Soomaaliya, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, iyadoona uu ugu dambeyn soo xiri doono madaxweyne Farmaajo.

Heeshiiska ay madaxdu saxiixayaan ayaa ku yimid, kadib dadaal xoogan oo uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble oo isagu la wareegay maamulka doorashada, kadibna Muqdisho isugu keenay madaxda Soomaaliyeed, si xal looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiiskan uu noqonayo inta badan is-afgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii, marka laga reebo qoddobo cusub oo lagu daray.