Sawirro: Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd saxiixay heshiiskii doorashada ee mudada badan uu ka taagna khilaafku.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa qalinka ku duugay heshiiska doorashada, ayada oo maanta lasoo xirayo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si wada-jir ah u saxiixay heshiiska doorashada, kaasi oo xal looga gaarayo is-mari-waagi mudada badan ka taagna qabsoomida doorashada.

Madaxada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku fahmay qoddobo adag oo ku gudboona doorashada, taasi oo fudeydisay in heshiis ay wada gaaraan maanta dhamaan dhinacyadu.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota munaasibada lagu soo xirayo shirka doorashada oo lagu casuumay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo asagu aan kaalin ku laheyn shirka looga arrinsanayay doorashada.

Sidoo kale munaasabadda waxaa qeyb ka ah guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wada-tashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii September ayaa u mahad-celiyey dhammaan dhinacyada ay qusaysay arrinta doorashada.

Waxa uu sheegay in madaxdu muujiyeen tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Rooble ayaa shaaciyey in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta gobolka Gedo, hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, islamarkaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda.