Xog: Xalka laga gaaray arrinta Somaliland iyo xubnaha lagu qanciyey Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, kadib shirweyne maalmo qaatay oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isku horfadhiyeen.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in heshiiska doorashada ay soo dadajisay xal laga gaaray qoddobadii la isku hayay, oo ay uga adkeyd arrinta Somaliland.

Kuraasta Somaliland ee guddiga doorashooyinka oo ay isku hayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa dadaal badan kadib lagu dhameeyay is-afgarad, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow shirka.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku qanciyey in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay si siman u qeybsadaan xubnaha guddiga doorashooyinka, taasi oo ka dhigan inay u kala qaadanayaan 6/6.

Cabdi Xaashi ayaa tirada xubnaha loo kordhiyay, islamarkaana loo kala badhay xubnaha guddiga, hase yeeshe waxaa soo baxaya in ra’iisal wasaaraha uu gacanta ku haynayo xulashada 3 xubnood oo ka imaanaya xukuumadda, ayada oo loo kala qeybiyay 12-ka xubnood oo keliya.

Inkasta oo la qanciyey Cabdi Xaashi, haddana waxaa soo baxaya walaac aan badneyn oo ku aadan hadii guddigu cod qaado cidda qaadanaysa gudoomiyaha guddiga gobolada Waqooyi, maadama la rumeysan yahay in Mahdi uu maamulayo 3-da xubnood ee ka imaanaya xukuumadda oo guddiga gobolada Waqooyi ka dhigaya 15 xubnood.

Kooxda uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ayaa haddii aysan codadka ka helin dhanka kale looga cod badin karaa doorashada gudoomiyaha guddiga.

Sidoo kale waxaa ayaduna su’aal ka taagan tahay goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Waqooyi, waxayna garabka Cabdi Xaashi ku doodayaan in meel ka baxsan teendhada hadii ay ka dhacdo doorashada kuraastaas uu imaan karo musuq-maasuq sidii  2016-kii, inkasta oo doodaas ay tahay mid jaban.

Si kastaba, xal ka gaarista kuraasta Waqooyi ayaa soo dadajisay in maanta heshiis laga gaaro doorashada, ayada oo muddo badan soo jiitamtay in dhinacyadu gaaraan heshiis, si dalka uga dhacdo doorasho wada-ogol ah.