Aqriso: Qodobada heshiiska doorashada oo dhameystiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisal wasaare Rooble, Madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka ayaa lagu faah-faahiyey dhamaan qoddobadii heshiiska laga gaaray, kadib dood dheer oo ay madaxdu ka yeeshen maalmihii lasoo dhaafay.

Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa waxa xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafkii mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka.

Qodobada heshiiska doorashada ee xalka laga gaaray, islamarkaana lagy soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn:

1: In Dib u eegis lagu sameeyay soo jeedintii guddiyada farsamo ee kal hore ku shiray magaalada Baydhabo.

2:  In xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah.

3: In guddiga Doorashooyinka ay dhexdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, ayada oo amniga sugayaan ciidamada booliska AMISOM.

5: In guddiga doorahada Somaliland uu 6-xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare, halka inta kale la siiyey Mahdi Guuleed.

6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda, sida kal hore dhacday.

7: In 60 maalmood gudahood ay ku dhacdo doorashada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in shirweynaha uu arinta Somaliland u xilsaaray ra’iisal wasaaraha, isaga oo ka duulaya la tashiyo uu la sameynayo gudoomiyaha Aqalka Sare  iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran.