Maxay madaxda dowlad goboleedyada ka yiraahdeen heshiiska doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirweynaha doorashada ayaa ka hadlay heshiiska ay maanta ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ballan-qaaday in heshiiska doorashada ay u fulin doonaan sida uu yahay, “Waxaan idinka balan qaadeynaa in heshiiskii maanta halkan lagu saxiixay in sida uu yahay aan u fulin doonno hadii ALLE idmo.”

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa sheegay in dalka uu khatar u galay inuu dib ugu noqdo dagaal sokeeye, “Dalka wuxuu khatar u galay in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye, haddii aanan la heli laheyn is qancin iyo isu tanaasul.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa xaflada ka sheegay in markasta loo turo, si meesha uga baxdo qatar kasta oo soo wajahi karta dalka.

“Wadankan waa mid nugul, dib u dhiskiisana u baahan wado aad u dheer, haddii aanan u turin, waxaa dhici karta waxaanaan fileyn inay soo baxaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isaguna goobta ka sheegay in waqti badan ku bixiyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah.

 “Inta badan in dadka wada qancaan waa culus tahay, laakiin waxaan isku daynay in aan caddaaladda ku dhawaanno, waxaan ka doorbidnay kala aragti duwanaanteena, inaan ka gaarno go’aan mid ah oo lagu gaarayo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Ugu dambeynyiina Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa xusay in dadaal badan uu ku bixiyey sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka, ayada oo ay jiraan daruufo adag oo ka taagan maamulkiisa.

“HirShabelle iyadoo ka soo baxday doorasho goboleed, fatahaado iyo duruufo kalana ay ku xeeran yihiin sida dib u xoreynta, ayaan haddana waqtigeena ugu badan galinay in heshiis la isla oggol yahay oo doorashada ah la gaaro,” ayuu yiri.

Si kastaba, heshiiska doorashada ee maanta ay magaalada Muqdisho ku saxiixeen ra’iisal wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaraya is-mari-waagii siyaasadeed ee ka taagna doorashada.