Kadib heshiiskii Afisyoone, beesha caalamka oo dalab cusub u dirtay madaxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafka doorashooyinka dalka, hase yeeshee waxay madaxda Soomaalida u direen baaq cusub.

Qoraal ay si wada-jira u soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu bogaadiyey kaalinta uu ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha dowladda federaalka ka qaateen in heshiis laga gaaro khilaafkii doorashada, oo muddo badan soo jiitamayey.

Waxay ugu baaqeen dhammaan saamilleyda siyaasada inay si deg-deg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhan yahay.

Sidoo kale waxa qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen wakiilada beesha caalamka inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.

Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

Qoraalka ayaa waxa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.