Axmed Madoobe oo farriin u diray ciidamada dowladda kadib heshiiskii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyay gaba gabada shirka madasha wadatashiga qaran ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markana dhamaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay “in la fahmo marxaladahii kala duwanaa ee dalkeenu uu soo maray iyo halka aan maanta joogno taas oo tilmaam u ah rajada mustaqbalka dalkeena.”

Waxa uu sidoo kale uu uga mahad celiyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah dadaalka uu ku bixiyay sidii loo dajin lahaa xaalada dalka isagoo amaanay dulqaadka iyo dal jacaylka ay muujiyeen dadka ku nool Caasimada maalmahii adkaa ee lasoo maray, 

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa farriin u diray ciidamada iyo hay’adaha ammaanka, isaga oo ka codsaday inay siyaasadda ku milmin. Waxa uu sheegau in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasada balse hay’adaha amaanka iyo ciidamada looga baahan yahay taxadar dheeraad ah.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay gacan ka haystaan sidii wakhtiga ugu dhow loogu qaban lahaa doorashada isla markana tageeradoodu ay lagama maarmaan tahay si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka taas oo go’aamo iyo wadiiqooyin loo marayo la isku raacay intii uu socday shirka madasha wadatashiga qaran.

Ugu danbayn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muuqda ka qaatan howlaha socda isla markana ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd wakhtiga ugu haboon si dalka looga saaro xaalada adag ee uu ku jiro.