“Wax weyn oo heshiiskan ku cusub oo ma jiraan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo gebagabawday xaflad lagu soo xidhayo shirka heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa in mudda ah la is hor fadhiyey, si xal looga gaaro qodobbadii la isku khilaafsanaa. Kulamadii ka horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu shir guddoominayay ayaa fashil ku dhammaaday ka dib markii la isku mari waayey qaar ka mid ah qodobbadii la isku hayey.

Heshiiska shirkan ayaa ka dhigan in hadda wixii ka danbeeya dalku u jihaysanayo dhankaa iyo doorasho.

Intii aan la gaadhin heshiiskan, waxaa dhacdey is mari waa adag, oo u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxay shirkan ku qeexeen dhammaadka murankii daba dheeraday ee doorashad, halka kuwana ay ku tilmaameen in uusan wax cusub soo kordhinin.

Prof Afyare oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa uu qabaa in heshiiskan uusan jirin wax sidaa u weyn oo ku cusub oo lama filaan ah oo ka soo baxay, iyo in qodobbadan ay yihiin wixii hore. “Waxa cusub waa keliyana hoggaanka shirkan oo Raysalwasaaraha ah”, ayuu yiri.

“Waa wax fiican in la heshiiyey oo doorasho la aadayo. Runtii se wax weyn oo hada la sheego oo lagu heshiiyey ma jiraan. Qodobbadaan hadda lagu heshiiyey waa kuwii lagu hesiiyey septemper 2020 ee la fulin waayey.”

“Nuxurka wax weyni iskama beddelin balse shakhsiyadkii ayaa wax iska beddeleen, markii madaxweynuhu meesha ka baxay ee Ra’iisul Wasaarihii yimid in qoladii kalena bilaabeen in ay hadda la macaamilaan ayaa muuqata,” ayuu yiri.

Mursal Maxamuud Saney oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee heritage, oo BBC Somali la hadlay waxa uu sheegay in wanaag ku dhammaanshaha shirkan uu guul u yahay siyaasiinta is khilaafsanaa, ee kulmadan u dhexeeyeen.

“Siyaasiintii is khilaafsanaa waxay soo mareen wakhti dheer oo adag, wuxuuna uga dhigan yahay in ay guulaysteen, iyada oo hadda waddanka uusan gelin carqalado hor leh, marka in lagu hesiiyey shirkan oo uu midho dhalaa wax weyn ayay u tahay xaqiiqatan!”

Dhanka kale shirkan ayaa falanqeeye Mursal Saney ku qeexay in siyaasiinta keliya aanu dan u ahayn ee sida oo kale jiilka danbe ee Sooomaaliyeed uu cashar ugu filan yahay.

“Jiilka danbena cashir ayay u tahay in qaladaadkii sannadihii u danbeeyey aan la gelin. Haddii la doono walaalnimo in la gaadhi karo iyo haddii se dhiillo la aado meel daran laga dooni karo”.

Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa ka mid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay intii shirarkii uu socday, waxayna u muuqataa in ugu dambeyn heshiis laga gaaray arrintaas.

Isha: BBC SOMALI