Ethiopia oo jawaab yaab leh ka bixisay xayiradii ay kusoo rogtay dowladda Mareykanka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxwaynaha ismaamulka Oromiya, Shimales Abdisa oo markii u horeysay ka hadlay xayiraada uu Mareykanka kusoo rogayo kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu Mareykanku xayiraad saarayo saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.

Shimales Abdisa ayaa tallaabada ka dhanka ah ee Mareykanka uu qaadayo ku tilmaamay mid aan wax badan soo kordhineyn oo aan khuseyn dalka Ethiopia, gaar ahaan maamulkiisa, sida uu sheegay.

“Mareykanka ma aqaano, iyaguna ima yaqaanaan. Moyale iyo Adwa innaan tago fiiso iigama baahna, meel ka baxsana ma aado. Siddaas daradeed go’aankasi ima khuseyo anniga, intaas iga gaarsiya,” ayuu yiri madaxweynaha ismaamulka Oromiya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa kal hore sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Ethiopia.

“Dhinacyada ku lugta leh ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri.

Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya, ayda oo dagaalkaas ay ka qeyb-galeen ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria, si ay u taageeraan dowladda.

Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray.