Booqashada madaxweyne el-Sisi ee Jabuuti iyo qorshaha culus ee Masar ay waddo

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar ayaa Khamiistii wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti kadib booqasho uu ku tegay dalkaas, ayada oo Masar ay dhiseyo isbaheysi African ah oo ka dhan ah Ethiopia oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile.

Booqashada madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa ah tii ugu horreysay ee madaxweyne Masri ah uu ku tago Djibouti, tan iyo markii uu xoriyadda qaadatay 1977-kii. 

El-Sisi iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isku raacay in biyo-xireenka Ethiopia loo buuxiyo loogana howlgalo “si caddaalad ah oo ku saleysan heshiis sharci ah” taasi oo joogteyneysa xasilloonida gobolka, ilaalineysana danaha dhamaman dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska el-Sisi. 

“Waxaan adkeeyey sida ay Masar uga soo horjeeddo isku day kasta oo lagu soo rogayo go’aano hal dhinac ah, oo aan eegeyn danta iyo xuquuqaha dalalka uu webiga maro,” ayuu yiri madaxweynaha Masar. 

Qaahira ayaa dooneysa inay farriin xooggan u dirto Ethiopia, oo ah inay joogitaan amni oo awood badan ku leedahay dalalka gobolka, kasoo billow Uganda, Koonfur Sudan, iyo Sudan illaa Soomaaliya, Jabuuti iyo Tanzania. 

Booqashada el-Sisi ee Jabuuti ayaa imaneysa ayada oo Masar ay heshiisyo iskaashi difaac ah ay sanadkan la saxiixatay dalalka uu maro webiga Nile iyo kuwa kale ee gobolka, oo ay ku jiraan Uganda, Kenya, Burundi iyo Sudan. 

Amani el-Taweel, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha Afrika oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Al-Ahram ee Qaahira ayaa sheegtay in isu soo dhowaanshaha Masar iyo Jabuuti ay muhiim tahay, si looga hortago in Jabuuti ay xigsato dhinaca Ethiopia.