FARMAAJO oo codsi u diray madax goboleedyada kadib heshiiskii doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa codsi u diray madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya kadib heshiiskii laga gaaray doorashooyinka ee shalay lagu saxiixay Muqdisho.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa sheegay in heshiis kaliya aanu muhiim aheyn balse loo baahan yahay in la fuliyo, wuxuuna ugu baaqay madax goboleedyada inay hirgeliyaan, ayada oo ay jirto in dhowr heshiis oo horey loo gaaray ay gadaal ka fashilmeen.

“Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan leennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda Soomaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madaxdii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii mas’uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fududeeyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doonaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad samaysaan.”

Farmaajo ayaa heshiiska doroashada ku tilmaamay guul weyn. “Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday,” ayuu yiri. 

“Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, waxa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yihiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdigii aad geliseen in aad maanta ummadda Soomaaliyeed kaga farxisaan.”