Muxuu yahay CODSIGA loo diray maamulka Biden ee la xiriira dadka Soomaalida?

Washington (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa maamulka madaxweyne Joe Biden u diray codsi ku saabsan in dib loo soo cusbooneysiiyo sharcigga badbaadinta ku-meel gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee dadka Soomaalida aan sharciga ku laheyn Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa sharcigan dhowaan dib ugu cusbooneysiiyey dadka kasoo heeda dalalka Myanmar iyo Haiti, laga billaabo 25-ka May. Hase yeeshee waxaan weli kala caddeyn xaaladda sharciga ee dadka Soomaalida ah oo uu ka dhacayo 17-ka September. 

Afarta xubnood ee Congress-ka, oo ay ku jirto Ilhaan Cumar, oo laga soo doorto Minnesota ayaa saxiixay warqad ay ugu baaqayaan maamulka Biden inuu muddada sharciga u dheereeyo Soomaalida.

Sharciga TPS ayaa ka hortagaya in Mareykanka laga masaafuriyo dadka kasoo jeeda dalalka qaar ee loo arko kuwa halis ah in lagu laabto. Dadka haysta sharcigan ayaa sidoo kale la siiyaa sharci kale oo u ogolaanaya inay dalka Mareykanka ka shaqeystaan

“Tani waa xaalad nolol iyo geeri u ah dad badan oo degan degmadeyda iyo dhammaan Mareykanka,” ayey Ilhaan ku tiri qoraal ay u dirtay wargeyska Sahan Journal.

“Xaaladda Soomaaliya aad ayey uga fog tahay amni, islamarkaana dad badan oo haysta sharciga TPS waxay ku nool yihiin cabsi iyo walaac, ayaga oo aan ogeyn inay dalka sii joogi doonaan iyo in kale.”

Saddexda xubnood ee kale ee Ilhaan la qaba walaacan ayaa ah Pramila Jayapal iyo Adam Smith oo laga soo doorto gobolka Washington, iyo Yvette Clark oo laga soo doorto New York.

“Baabi’inta TPS waxay cawaaqib burbur leh ku yeelan doontaa carruur Mareykan ah oo ay dhaleen Soomaalida haysata sharciga, sababtoo ah waalidiinta waxay wajihi doonaan kala doorasho aan macquul aheyn oo ah inay caruurtooda ka tagaan ama u kaxeeyaan dal halis ah,” ayey ku yiraahdeen warqadda.

Warqadda ay qoreen xubnaha congress-ka ayey u direen Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken.