Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray caruurta tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday mas’uulka kaliya ee xiritaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran kusoo hadal qaaday cabashada ay qabaan qaar ka tirsan waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda la sheegay in loo qaaday tababar, balse aysan ka war heyn halka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahaan ay warbaahinta ka maqlayeen cabasho xooggan oo ka timid waalidiintaas oo ilaa hadda aan loo sheegin, halka la geeyey ilmahooda iyo waqtiga ay dib u midoobi doonaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado oo u baahan in xal deg deg ah loo helo.

Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday in ay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin.

Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto in ay sii waddaan banaanbaxyada dowladda uga soo horjeeddaan.

Hadalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii dambe ay soo xoogeysatay cabashada ka imaaneyso waalidiinta ilmahooda loo sheegay in tababar loo qaadayo balse aan ilaa hadda nolol iyo geeri midna lagu heyn.

Ilmaha warkooda la raadinayo ayaa la rumeysan yahay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eretria, waxaana jirto cabsi ku aadan in qaarkood ay dhinteyn, qaar kale ay ka baxsadeyn xirooyinka tababarka halka qaarka kalana ay ku jiraan nolol aad u dhib badan.