Arsenal oo sheegtay inaysan Bank-geeda u jebin doonin Theo Walcott (Aqriso)

Arsenal ayaa qiratay inaysan Bank-geeda u jebin doonin si ay u ceshtaan Theo Walcott oo qandaraaskiisa kooxdu ka dhacaayo sanada soo aadan.

23 jirkaan reer England ayaa kooxda uga tegi kara si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka ka dib markii uu ka biyo diiday qandaraas cusub oo uu kooxda isbuucii uga qaadan lahaa 75 kun oo ginni.

Wakiilka Walcott ayaan la hadli doonin  Arsenal inta uu ciyaaryahanku soo gudanaayo waajibkiisa xulka England, iyadoona marar hore lagu guul darreystay wax is afgarad ah.

Laakiin gudoomiyaha Gunners Peter Hill-Wood ayaa qirtay inaysan kooxdu Bank-geeda u jebiun doonin mushaarka isbuuclaha ah ee Walcott, kaaso wax ka yar 12 bilood uu ka dhiman yahay andarasskiisu.

“Waxaan leenahay hab maamul mushaar isbuucle ah mana qorsheyneyno inaan u jebino qofna,” ayuu u sheegay Daily Star.

“Waxaan sameynay dalabyo kuwaas oo aan fileyno inaysan aheyn kuwo la aqbalaayo taasna way dhamaaneysaa. Waxaan ku fikireynaa inay tahay dalab mas’uuliyadeed.

“Waqtigaan qoyskiisa ayaa nala hadlaaya waxaana rajo ka qabnaa in la xaliyo. Laakiin ha I weydiin goorta ay noqoneyso, sababtoo ah waxba kama ogi.

“Waxaan rajo ka qabaa in xalku uu noqdo saxiix. Ma garanayo hadii aysan sidaas ku socon.”

Kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester City iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay Walcott ka dhaqaajiyaan bariga London sidoo kale Liverpool iyo Tottenham ayaa isha ku haaya.