Kaka oo la dhacsan bandhigiisa Real Madrid iyo in loogu waco xulkiisa Brazil.

Kaka ayaa daaha ka qaaday inuu ku farax sanyahay labadii kulan ee uu ku bilowday ciyaaraha Real Mardi wuxuuna sheegay inuu sidoo kale rajo ka qabo xulkiisa.

Ciyaaryahankii sanadii 2007 ku guuleysatay abaal marinta Ballon d’Or ayaa lala xiriirinaayey inuu xagaaga ka tegegaayo Santiago Bernabeu, laakiin wuu ku adkeystay inuu kooxdiisa iska sii joogo.

Seleccao ayaa looga yeeray laba sano ka dib, isagoo ka mid ah xulka Brazil ee la ciyaaraya wadamada Iraq iyo Japan.

“Diyaar ayaan u ahay inaan soo laabto, waana ku farax sanahay soo laabashadeysa,” ayuu u sheegay saxaafada. “Waxaan dareemayaa xoganaan fiican iyo farsamo.

“Inta badan ku dhowaad sanad dhaawac ayaan ahaa waxaana tababarka u qaadanayaa si wanaagsan anigoo fursado badan ka helaaya kooxda koowaad ee Real Madrid.”