Frank Lampard oo ay doonayaan laba koox oo ka dhisan dalka Shiinaha (Warbixin)

Frank Lampard ayaa lagu baadi goobayaa inuu isbuucii qaato 250 kun oo ginni.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka England ayaa waxaa u gacan haatinaaya kooxda uu u ciyaaro ciyaaryahankii ay isku kooxda ahaan Jireen Didier Drogba ee Shanghai Shenghua, sidoo kale iyadoo ay baadi goobeyso kooxda ka dhisan caasimada oo ay xafiiltamaan ee Beinjing Guoan.

Waxayna labada koox diyaar u yihiin inay bishii jeebkiisa ku shubaan hal milyan oo ginni.

Lamprad oo 34 jir ah ayaa la hadli kara koox walba oo caalamka ka dhisan bisha Janaayo wuuxuna xor noqonayaa xagaaga soo aadan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Blues.

Wuxuu ku socdaa wadadii uu kaga tegi lahaa Stamford Bridge ka dib 11 sano, iyadoo uu ogyahay sharciga kooxda ee ah in 30 jir loo ogoyahay keliya hal sano oo qandaraas ah.

Lampard ayaa 36 milyan oo ginni ku aruursan kara sedax sano oo qandaraas ah oo uu la galo kooxda Shiinaha ee uu u ciyaaro saaxiibkiis Drogba.

Wuxuuna doonayaa inuu galo waqtigiisa lacag xamaalka, Sun Sport ayaa werineysa in sidoo kale looga baaqayo kooxda uu u ciyaaro David Beckham ee LA Galaxy.