AS Rome oo u sheegtay kooxaha doonaya De Rossi inuusan marnaba beec aheyn.

Franco Baldini ayaa gaashaanka u daruuray wararka soo jeedinaya in AS Rome ay iibin doonto xidigeeda Daniele De Rossi, wuxuuna ku sheegay ciyaaryahanka mid fure u ah mustaqbalka kooxda.

Wararka xanta ah ayaa 29 jirkaan la xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo Manchester City, laakiin agaasimaha kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ayaa kasoo horjeestay.

“De Rossi wuxuu noo ciyaari doonaa mustaqbalka, mana iibin doono,” ayuu saxaafada ugu warbixiyey mar uu qabtay shir jaraa’id.

52 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay tababaraha la qadariyo ee Zdenek Zeman, iyadoo ay kooxdu booska shanaad ka fadhiso Serie A, ka dib markii uu macalinku bishii Juve dib ugu soo laabtay Stadio Olimpico.

“Zeman waa tababareheena, go’aamadiisuna waa inoo fiican yihiin, wuxuuna heystaa ciyaaryahano wanaagsan sida De Rossi iyo [Pablo] Osvaldo,” ayuu ku daray Baldini.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.