Askar arrimo qabiil ka dhex waday ciidanka DF oo lagu riday xukun + Magacyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo khamiis ah waxaa maxkamada darajada koowaad ee  Ciidamada qalabka sida xukun ay ku riday askar tiradooda ay gaareyso  18 askari,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qal-qal ka dhex wadeen ciidanka ka tirsan Guutada 14 October iyo in ay  gadood ka sameeyeen xarunta Generaal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobalka Banadir.

Xerilaalinta ayaa waxaa ay askartan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen boob la sheegay in ay ka geysteen xerada,iyagoona sidoo kale sheegay  in cadeeymo arimahaasi ku saabsan ay ka hayaan.

Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askartan lagu soo eedeeyay in ay wax ka ogaayeen hub la sheegay in la gala baxay xerada Generaal Gordon iyo in ay qal-qal ka dhex abuuri rabeen askarta ka tirsan Guutada 14 October oo la as aasay Qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale askartaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay arrimo qabiil ka dhex wadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya taasoo  lagu qalqal gelinayey ciidamada.

Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in Sideed iyo tobankan  askari maanta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan.

Dhawaan ayay aheyd  markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay,iyadoona maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalbka sida ay askar ku xukuntay in arintaasi ay wax ka ogaayeen.

Ciidamadani waxay kala yihiin:

1- Xuseen Baashi Cawad Canshuur

2- C/wali Ibraahim Maxamed Xasan

3- Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur

4- Ismaaciil Saciid Muuse Xiir

5- C/wali Faarax Ismaaciil Maxamuud

6- C/shakuur Maxamed Xirsi Cali

7- Fatxi Aadan Cali Yuusuf

8- Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige

9- C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne

10- Maxamed Axmed Dhalac Cabdi

11- C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi

12- C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise

13- Daahir Maxamuud Gurxan Cali

14 – Axmed Jaamac Siid Cali

15- Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac

16 -Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi

17 -Cali Maxamed Abyan Cilmi

18- iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Askartan ayaa ku dooday 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo hore loo ruqseeyay markii xilli Ramadaan ah ay isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com