Askar horey dad u dilay oo dil lagu xukumay maanta

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay seddax askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu helay in ay dileen askar iyo sarkaal ciidan.

Ragga la xukumay waxaa ka mid ah Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo loo heysto in uu dilay Taliyihii Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, G/sare Xasan Shire Ammaan, waxaana Axmed horay loogu xukumay dil, iyadoo racfaan uu qatay kadib mar kale maanta dil toogasho ah lagu xukumay.

Go’aanka maxkamadda ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ninkaan isna loo xukumay 67-halaad oo diyo ah, taas oo ah dhaawacyo ka soo gaaray howlgalkii lagusoo qabanayay. Waxaana diyadaas lagu xukumay inuu bixiyo maamulka Puntland.

Sidoo kale, Ayaanle Maxamed Cabdi iyo Axmed Maxamed Muuse oo horay u dilay askar kale, isla markaana dil ku xukunaa, ayaa iyagana Maxkamaddu maanta mar kale dil xukun toogasho ah ku riday.

Dhinaca kale, Cabdulqaadir Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa loo heystaa inuu magaalada Boosaaso ku dilay nin ajanebi ahaa oo ka soo jeeday dalka Yemen, waxayna maxkamaddu ku xukuntay in uu bixiyo diyada  markuumka Yemeniga ahaa ee uu dilay, taas oo ah 100-halaad oo Geel ah, kadib markii ay eheladiisu ogolaadeen inay diyo qaataan.

Ugu dambeyntii, Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa Cabdulqaadir Ayaanle Maxamed oo loo heysto in uu dil aan ula kac aheyn Boosaaso ugu geystey qof shacab ahaa waxa ay ku xukuntay in uu bixiyo magta qofkii uu dilay.