Xog: Inta badan BEELAHA dega Galmudug oo diiday qorshaha R/W KHEYRE

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Inta badan beellaha degaanada maamulka Galmudug oo siyaabo kala duwan Warbaahinta ula hadlay ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka waddo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa Kheyre ku eedeeyay in uu badalay inta badan odayaashii soo saxiixay dhismaha maamulka Galmudug sanadkii 2015-kii.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xildhibaano ay soo qortay ay saxiixaan Odayaasha dhaqanka, islamarkaana aysan arintaasi aqbali doonin.

Waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan dooneyn maamul dadka degaanka ay leeyihiin in laga dhiso Galmudug,laakiin ay doonayso maamul u shaqeeya dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle  Geelle Xaaf oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku fashilantay dhismaha maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha maamulka Galmudug ay Cabasho u soo gudbiyeen, islamarkaana ay u sheegeen in aysan jirin Xildhibaano ay soo xuleen oo dowladda dhexe ee Soomaaliya Jeebkeeda ka waddo.

Waxaa uu xusay in cabashooyin badan ay kasoo gaareen qeybaha kala duwan ee bulshadda degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana uu ka shaqeyn doono dhismaha maamul loo dhan yahay.