DF oo qorsheneysa inay soo hormariso doorashada madaxweynaha HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheneyso in ay waqtigeeda ka soo hormariso doorashada dowlad gobaleedka HirShabelle oo ku aadan waqtiga doorashada guud ee qaranka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay Beesha Caalamka xubno ka tirsan kala hadleen in la soo hormariyo doorashada HirShabelle, inkastoo aysan wali dhinacyo isku raacin arrintan.

Doorashada Madaxweynaha iyo mida baarlamaanka HirShabelle ayaa ku aadan bilaawga iyo bartamaha bisha 10-aad ee sanadkaan waxayna ku aadantahay doorashooyinka xildhibaanada baarlamanka Qaranka.

“Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Xukuumadda iyo xubno safiiro ah oo doorashada guud ee Qaranka ka hadlay ay madaxda dowladda dalbadeen in ay soo hormariyaan doorashada HirShabelle, balse ma ahan wax lagu heshiiyay” ayuu yiri wasiir ka tirsan maamulka HirShabelle oo la hadlay Caasimada Online.

Sagaalka Bisha October ee sanadkaan ayuu ku egyahay waqtiga Baarlamaanka HirShabelle, halka Madaxweynahana uu waqtigiisa ku egyahay 15-ka October ee isla sanadkaan.

Sidoo kale doorashada baarlamanka Guud ee Soomaaliya ayaa ku eg isla bisha October ee sanadkaan, iyadoo bilo kadib ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan billawga 2021.

Lama oga in beesha Caalamka ay ku raaci doonto Xukuumadda Soomaaliya in la soo hormariyo doorashada HirShabelle oo ku aadan waqti xasaasi ah.