Liiska golaha deegaanka Diinsoor oo la shaaciyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay tirada la rabo inay ka koob naadaan golaha deegaanka ee loo sameynayo degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay.

Liiska ayaa waxaa lagu soo bandhigay illaa 21 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar intaba.

Sidoo kale waxaa lagu sii kala saaray sida loo kala qeybsanayo kuraasta oo laga rabo 11 rag ah iyo 10 dumar ah, kuwaas oo ka kala imaan doono beelaha ku dhaqan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in liiskaan ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ay horay ugu soo heshiiyeen saxiixayaasha beelaha oo gaaraya illaa afar beel.

Dhowaan ayaa la filayaa in la dhiso golaha deegaanka Diinsoor oo qorshiisu maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey gudaha magaaladaasi.

K/Galbeed ayaa dooneysa in dhamaan deegaanadeeda ay ka hirgaliso golayaasha deegaanka oo muhiim u ah degmooyinka gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.