Xog: Ujeedka madaxweyne Xaaf iyo Amxed Madoobe ay u tagayaan Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan ay gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Jubbaland uu maanta tagayo Garowe, halka Xaaf isagana la filayo in uu socdaal dhulka ah ku gaaro Garowe, isla toddobaadkan.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintan ayaa lagu sheegay in ay marti qaad ka heleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani, ay uga ka qayb galaan munaasabadda sanad guuradii 1-aad ee doorashadiisa Puntland.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maalmaha soo aadan ay u baxaan Garowe sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Puntland.

Munaasabada Sanad Guurada 1-aad ee doorashada Deni, ayaa la filayaa in ay isu keento siyaasiin u badan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, sidoo kalane ay aad ugu yaraadaan dhinacyada dowladda Taabacsan.

Intii ay joogaan Garoowe, Deni , Xaaf iyo Axmed ayaa sidoo kale ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo maraya heerkii ugu xumaa.