Askar ka tirsanaa ciidamada KENYA oo qarax lagu dilay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markalegobolkaasi qarax xoogan lagula eegtay gaari ay la socdeen ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi laka eegtay xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta Dhoobleey iyo Hoosingow.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in miinadu ay la kacday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay wateen ciidamadaasi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kooxda Al-Shabaab waxaa qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada milariga dalka Kenya ee KDF.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta geeriyootay uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku soo koobtay Holland.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Waa qaraxii labaad ee ay waxyeelo kala duwan ka soo gaareyso ciidamada Kenya ee ka dhacaya deegaanada u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.