Wada-hadallada xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Masar iyo Sudan oo lagu kala kacay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wada-hadalo u socday dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa markale wajahaya guul-daro, xili ay sii xoogeysatay xiisada ka dhaxeysa ee biyo xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile-ka.

Wada-hadal ay maalintii Axadii ku yeeshen madaxda saddexda dal khadka tooska ah ayaa lagu kala tagay, kaasi oo ay hogaaminaysay Midowga Afrika oo isagu xal u raadinaya xiisada Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Wasiirada arimaha dibada iyo waraabka ee saddexda wadan ayaa kulan u socday toddobaadkan, kaasi oo noqonaya markii labaad ee isla toddobaad dhexdiisa ay dhinacyadaas ka wada-hadlaan khilaafkooda sanadaha badan soo jiitamayay ee biyo xireenka muranka badan ee Itoobiya ka wado webiga Nile-ka.

Kulankaas oo ajendihiisu ahaa sidii loo heli lahaa hanaan lagu heshiiyo, si loo soo koobo wada-hadalada saddexda wadan, isla markaana diirada loo saari lahaa buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam” ayaa kusoo dhamaaday fashil.

“Waa lagu guul-dareystay kulankii Axadii in la helo g’aan horay loogu sii wado wada-hadallada, si meesha looga saaray kala duwanaanshaha ku saabsan sida loo soo koobayo wada-hadallada iyo hannaanka ee la xiriira geeddi-socodka gorgortanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar.

Waxa kale oo qoraalkaas lagu yiri “Qaahira iyo Addis Ababa ayaa diiday soo jeedinta ay sameysay Suudaan.”

Bayaanka ayaa kusoo aadaya xili ay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ay sidan oo kale ay sheegtay in Suudaan ay diiday soo jeedin ka timid Koonfur Afrika, taasi oo ku qotomtay in si gooni-gooni ah loola kulmo khubarada AU, ka hor inta aan ballaarin lagu sameyn doorka khubarada.

Xiisada ka taagan biyo xireenka Itoobiye ee Webiga Nile-ka ayaa sii xoogeysatay, iyada oo sanado badan ay saddexda wadan isku maandhaafsan yihiin gaarista heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo, iyada oo ay fashil kusoo dhamaadeen dadaalo badan oo la xiriira arrintaas.