SACUUDIGA oo taageero soo gaarsiiyey Soomaaliya

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarun gargaar oo ay leeyahiin qoyska ka taliya boqortooyada Sacuudiga ayaa gar-gaar soo gaarsiiyay gobolo ka tirsan Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaas.

Hay’adda KSRelief ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya 75 tan oo timir ah oo ay ugu talagaleen iney ka faa’iideystaan 56,250, waxeyna kaashadeen Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soogaabiyo OIC.

Gar-gaarkaan ka yimid boqortooyada sacuudiga ayaa la gaarsiiyay qeybo ka mid ah Jubbaland, halkaas oo ay ku sugan yahiin dad danyar ah oo u baahan in wakhtigaan oo kale la gaarsiiyo kaalmo beni’aadanimo.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirada muujinaya gar-gaarkaan iyo sida looga fuliyay qeybo ka mid ah Jubbaland, waxaana ka faa’iideystay dadka danyarta ah oo isugu jira haween iyo caruur.

Boqortooyada Sacuudiga waxey ka mid tahay tiro dowlado ah oo deeqaha gar-gaar soo gaarsiinayay Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe.