Weerar kale oo ka dhacay Kismaayo + Khasaaraha

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar markale ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fiidkii hore ee xalay lagu qaaday fariin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin xaafadda Farjanno ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey weerarkaasi ee bambada ku tuuray ciidamada inay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah yahay askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada labada kale ay yihiin caruur ka agdhoweyd goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafadda Farjanno, bals ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey howl-galladaas.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo ay sheegatay Al-Shabaab lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland.