‘Arrinta ay isku haleynayaan musharaxiinta mucaaradka ee xaqiijineysa in doorasho hal dhinac ah aan la qaban’

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka ogaanay xubna sare oo ka tirsan Mucaaradka, gaar ahaan Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaa jirta hal tallaabo oo ay ku heshiiyeen mucaaradka haddii ay xukuumadda ay qabato doorashada, sida ay sheegtay.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qodobka ay isku afgarteen Mucaaradku uu yahay in aysan dowladdu doorasho ka qaban lix magaalo oo kala ah Muqdisho, Jowhar, Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in shacabka ku nool ay raacsan yihiin.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegay in guud ahaan dhulka Hawiyaha iyo qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed aysan xukuumadu wax tallaabo ah ka qaadi karin, islamarkaana ay sababi doonto qalalaase haddii lagu dhiirado fulinta go’aankii shalay.

Shacabka Muqdisho badankood ayaa aragti ahaan raacsan mucaaradka, Beledweyne waxaa hadda ka taagan qalaalse, kadib markii beesha ku xooggan ay dowladda isku qabteen doorashadii HirShabelle, Jowhar waxaa ku xoogan beesha Abgaal, lagamana sameyn karo wax aysan raali ka aheyn Xasan Sheekh iyo Shariif. Dhuusamareeb waxaa weli ku xoogan taageerayaasha Ahlu-Sunna nabadna kuma seexdo Qoor Qoor, Gaalkacyo lagama taageersana dowladda, halka Baraawe amnigeeda aan la isku haleyn karin.

“Sidee ayaa loo fulinayaa go’aanka xukuumada, ma xoog mise xeelad, taas ayaa u baahan in laga jawaabo sababtoo ah Madaxweyne Farmaajo cidna ka ogolaan meyso doorasho ka qaban maayo Garoowe iyo Kismaayo oo saami ahaan siyaasada ku matalo degaanada kalana waa ka qabanaa waana soo laabanaa,” ayuu yiri Prof. Cali Dhuux oo ka mid ah aqoonyahaanka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale hore u sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caddeeyey in dowladda aysan doorasho ka qaban karin Muqdisho, oo taasi ay tahay riyo, waxaana hadda aad la isu weydiinayaa sida loo qaban doono doorashada Soomaaliya ee dowladdu ku dhowaaqday.