Qoor-Qoor, Lafta-gareen & Guudlaawe oo ka walaacsan go’aan ay qeyb ka noqdeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa socday kulamo ay lahaayeen Madaxweynayaasha taabiyiciinta ah ee maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Mas’uuliyiintaan ayaa kulamada uga hadlay go’aankii qaraaraa oo ay qeybta ka noqdeen, kaasi oo ay xukuumada Soomaaliya kaga dhawaaqday Muqdisho islamarkaana ku shaacisay qabashada doorashada Soomaaliya iyadoon xal loo raadin tabashooyinka Jubbaland, Puntland, Cabdi Xaashi iyo mucaaradka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in dhinacyadaan isu sheegeen in go’aankii ay qeybta ka ahaayeen uu ahaa mid qaraar oo saameyn kara deganaanshaha maamulladooda iyo mustaqbalkooda hoggaamineed ee maamullada ay joogaan, haddii ay is-badasho xaalada doorasho ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa yimid markii ay xubnahan habeen hore la kulmeen mucaaradka islamarkaana sheegeen inay xal u raadin doonaa muranka doorashada, oo aysan guda geli doonin doorasho aan heshiis lagu wada aheyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah ku cadaadinayo inay billaabaan doorashada Aqalka Sare, balse ay weli shaki badan qabaan.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, Lafta-gareen, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la filayaa inay arrinta sii jiid-jiidaan illaa 8-da Febraayo, ayaga oo rumeysan in wixii markaas ka dambeeya ay soo faro-gelin doonto beesha caalamka, taasi oo iyaga ka yareyn doonta cadaadiska.