Trump oo wajahaya xil ka qaadis iyo dacwo xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya qorshe xilka looga qaadayo ka hor inta uusan xilka wareejin, kadib tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.

Aqalka Wakiilad Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshahaas, kaasi oo uu afhayeenka aqalka Wakiilada la wadaagtay xildhibaanada aqalkaas, si xilka looga qaado madaxweyne Trump.

Nancy Pelosi, Afhayeenka Aqalka Wakiilada ayaa sheegtay in qorshaha xil ka xayuubinta Trump cod loo qaadi doono maalmaha soo socda, kaasi oo uu fulinayo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas, Mike Pence.

Mike ayaa laga dalbaday in uu wax ka bedel ku sameeyo qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasi oo u ogolaanaya in uu xilka sii hayo, midaasi oo fududeynaysa in aqalka cad laga saaro Donald Trump.

Trump ayaa wajahi doona eedeymo culus oo la xiriira kicin iyo kaalintii uu ku lahaa dadkii careysnaa ee gudaha u galay dhismaha Aqalka Congress-ka oo ay xiligaas ka socotay ansixinta guusha madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Donald Trump oo la xiriira qorshaha xilka looga qaadayo, tan iyo markii laga mamnuucay baraha bulshada, gaar ahaan barta Twitter-ka oo si weyn wax ugu qori jiray.

Trump ayaa u muuqda mid uu xaalku ku sii adkaanayo, kadib markii uu isku dayay sameynta wax lagu tilmaamay inay meel ka dhac ku yihiin dimuquraadiyada Mareykanka, tan iyo markii la shaaciyey guul-daradiisa doorashada.