Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo weerar culus ku qaaday ROOBLE iyo Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadalay khilaafka ka taagan doorashada dalka iyo go’aanka ay ku dhawaaqday xukuumaddu ayaa ka digay dagaal iyo khalalaase in dalka dib loogu celiyo.

Muuse Suudi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas uu ka soo yeeray laba nin oo sida uu sheegay isku beel ah, kuwaas oo kala ah Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

“Doorasho Puntland iyo Jubbaland laga tegay, waqooyina qof ka wakiil ah uusan u taagneyn ayey ku dhawaaqday beesha Hawiye inay qabaneyso, afka in laga dhowro maaha, warkaas waxaan ka maqalnay Rooble iyo Qoor Qoor oo dadkii uu ka soo tegay ay ka soo daba qeyliyeen, oo yiraahdeen been ayuu naga sheegay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaareheena anagu u maleyn meyn inuu Hiraab kaliya Ra’iisul wasaare u yahay, waxaan u maleyneynay Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed, waa lagu ceymanaa ayaan is laheyn, balse laguma ceyman.”

Senetor Muuse ayaa ciidamada qaranka ugu baaqay in aysan iska burburin dalka, balse ay xisaabta ku darsadaan in Farmaajo uu mar un ka hor tegi doono.

“Ciidamow dalka ha iska burburinina oo dadkiina ha dilinina, anagu Fahad oo qori sita filan meyno, ee dadka qoriga qaadi karow qorigiina hoos u raaraciya, ogaadana amarka mid aan la qaadanbaa jira,” ayuu yiri Senetor Muuse Suudi Yalaxow.

Hoos ka Daawo