Dagaal u dhaxeeya ciidanka DF iyo kooxo hubeysan oo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad kooban oo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa ka dhacay xaafadda Soos ee degmada Heliwaa, kadib markii ay rag hubeysan weerareen bar koontarool oo ku taalla halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa igay is-rasaaseyn dhex-martay labada dhinac, waxaana lagu soo warramayaa in khasaaraha uu ku kooban yahay dhinacyada diriray oo kaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib sameeyey baaritaano dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey falkaasi, balse ma jirto wax faah faahin oo illaa haatan ay ka bixiyeen laamaha ammaanka dhacdadaasi iyo howl-gallada ka dambeeyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socdka dadka iyo gaadiidka wadada isku xirta isgoysyada Ex-koontarool Balcad, Soos, ilaa Suuqa Xoolaha.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ka dhan ah askarta dowladda ee ku sugan caasimada.