QOOR QOOR oo beddalay go’aankiisii doorashooyinka, kuna dhowaaqay arrin kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay go’aamadii ugu dambeeyey ee uu qeybta ka ahaa ee laga gaaray qabashada doorashooyinka, kadib shirar ka dhacay Muqdisho.

Qoor Qoor oo cadaadis xoogan iyo eedeyn la kulmay, kadib go’aaminta hirgelinta doorashada ayaa shaaca ka qaaday in dalka aysan ka dhaceyn doorasho hal dhinac ah oo ay ka maqan yihiin maamullada Jubbaland & Puntland, isaga oo shegay ay muhiim tahay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka, si loo fuliyo heshiiskii Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel lagu talo gooyey in labadaasi maamul laga saaro doorashooyinka ka dhacaya dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa eedaha loo jeediyay ku tilmaamay kuwa siyaasadeysan oo dano gaar ah laga leeyahay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqaday in la guda-galayo doorashada, si waqtiga haray looga faa’iideysto, iyada oo isla shirkaas jaraa’id uu madaxweyne Qoor Qoor ka sheegay in uu jawaab ka waayay madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland & Musharraxiinta mucaaradka.