Soomaaliya wakhtigan ma u baahan tahay madaxweyne kursiga isku dhajiya?

Soomaaliya waxay wado dheer usoo jeexday dib u hanashada dawladnimadii ay lahayd iyo ineey soo ceshato sharaftii iyo maqaamkii caalamka ay ku dhex lahayd.

Bur burkii dawladii Soomaaliya kadib dalku wuxu soo maray heerar kala duwan taas oo ahayd nidaam qori isu dhiib ah.

8 Febraayo 2017 ayay ahayd markii madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud xilka uu ku wareejiyay madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taas oo caalamku ku amaaneen sida dimuqraadiyadda ah ee uu xilka ku wareejiyay una aqblay in laga guuleystay.

Soomaaliya iyada oo nidaamka dawladnimda ku cusub yahay ayay aqbashay in dawladnimadu qori isu dhiib tahay, Madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan alle ha unaxariiste markii uu ka war helay in dadku saluugeen hogaamintiisa wuxu aqblay in dalka ay ka dhacdo doorasho aan wakhtigeeda la gaarin, dhacdadaas oo noqotay midii ugu horeeysay oo uu sameeyo madaxweyne African ah.

Bur burkii kadib culeysyo iyo dhibaatooyin la soo maray dalku wuxuu qaatay nidaamka federaalka ah, taas oo dad badan ay aaminsan yihiin in uu yahay mid aan ku habooneyn dalka wakhti xaadirkan, halka dad kalena ay aaminsan yihiin inuu yahay nidaamka saxda ah ee dawladnimadeenii dib usoo celin kara.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa shirkii Carta ee Jabuuti kasoo raacay nidaamka 4.5 oo aan aaminsanahy inuu yahay nidaam aan cadaalad shuqul ku lahayn, kaas oo dad gaar ahna uyeelay mansab iyo maamuus halka kuwa kalena uu ka dhigay kuwo ka liita kuwii hore.

Sideedii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya madaxdii soo martay waxaa laga sugaayay in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah taas oo caqabado badan ay ku xeeran yihiin suurta geli weydayna in nidaamkaa uu dalku ka qabsoomo.

Dalku hada wuxuu ku jira marxalad kala guur ah taas oo looga fadhiyo dawlada talada haysa in dalka ay hirgeliso nidaamkii ay talada kula wareegtay maadama aysan suuragal ahyn in ay qabato doorasho qof iyo cod ah.

Hadalka shalay kasoo yeeray Reysal Wazaaraha Soomaliya waxay u muuqata mid dawladnimad dalka dhaawac weyn u geysan kara, maadama nidaamka aan qaadanay uu meel ka dhac ku yahay hadalka kasoo yeeray Reysul Wazaaraha.

Anigu ma taageero maamulada dalka ka jiro ee dhinac boodaya dawlada dhexe, balse hadana waxaa lagu dhisay nidaam laysku af gartay sidaa daraaded hadanan lagu qanacsaneyn dib shirweyne kale haloo furo kaas oo meesha looga saarayo maamulada dalka.

Dawlada hada jirta waxay u muuqata mid habka ay doonto rabta inay u wajahdo nidaamka doorasho ee dalka, halka musharixiinta mucaaradka iyo qaar kamida maamul goboleedyada ay iyaguna rabaan in ay wax u dhacaan qaabka ay doonayaan taas oo xiisada cakiran kagasii daraysa.

Dalku wuxuu u baahan yahay masuul u shaqeeya ee aan ka shaqeeysan iskuna fahma inuu yahay adeegaha bulshada ee uusan ahayn mid mansab gaara haysta wuxuu doonana fala, masuul fahma in hadii ay ku qanci waayaan shacabka shaqada uu u hayo baneeya kursiga ee aan isku dhajin .

Dadka Soomaaliyeed wakhtigan waxay qabaan cabsi aad u weyn oo sababi karta in nidaamkii labaatanka sano laso dhisayay uu mugdi ku yimaado.

MAXAA LA GUDBOON MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MUCAARDKA ?

Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudboon in uu dalka uturo taariikhdana ay u gasho in xiligaan adag uu qaatay go’aan mustaqbalka dambe ee dalka wax weeyn u tara, kaas oo ah in uu qabto nidaam doorasho oo ogol lagu wada yahay, sidoo kale mucaaradka waxaa la gudboon in ay joojiyaan abuurida xiisad dhibaato u keenta in dalkaan dib u laabto iyagoo og halka laga yimid iyo halka la hiigsanaayo.

MUSTAQBALKA SOOMAALIYA SIDEE AYUU U EGYAHAY?

Inta dadka Soomaaliyeed ay kala sareeyaan midna laandheere yahay midna laangaab inta dadka Soomaaliyeed qabyaaladu qaran kala weyntahay inta dadka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in dawladnimo laga maarmi karo wey adag tahay in dalku hor usocod sameeyo.

Balse hadii taa badalkeedu dadku fahmaan in qabyaaladu qurun tahay oo dadku siman yihiin, in waxa ina wada mideeya ay tahay dawladnimada siyaasiguna uu inagu awr kacsan ee uu rabitaankeena ku shaqeeyo Soomaaliya cusub ayaa inoo dhalaneysa.

Dadka Soomaaliyeed waa dad dhaqan wanaagsan leh, hal meel ku wada hoyda hal meel wax ku wada cuna oo aan loo kala waramin wax wada qabsada, alle haka dhigo bulshada Soomaaliyeed kuwa fahma waxa ka maqan inay dawlanimada tahay allena isku xira.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid