Askar Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) –  Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay.

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.

Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.

“Ixtiraamka loo hayo qoysaska ay kasoo jeedaan badmaaxiyiinta, ma sii deyn doono macluumaad dheeraad ah xilligan,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska dhexe.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

Askarta la waayay, ayaa kusoo aaday xilli uu Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab.