JAWAARI oo soo jeediyay tallaabo xasaasi ah oo laga qaado Muuse Biixi (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay Somaliland lasoo gashay dowladda federaalka ee Itoobiya.

Jawaari ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu saxiixay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay inuu ku kacay Khiyaano Qaran oo weyn.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa soo qaaday waxa uu arrintan ka qabo xeerta ciqaabta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Khiyaanadu xukunkeeda uu yahay dil.

“Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qorayaa qof alla qofkii gobonimada Soomaaliyeed qayb kamid ah ama kulligeeda hoos geeya dowlad kale oo ajnabi ah wuxuu ku kacay Khiyaano Qaran, xukunkeedana waxaa waayey dil” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.

Waxa kale oo uu tilmaamay in kiiskan uu ku cad-yahay madaxweyne Biixi, isaguna uu qiraal ka yahay, maadaama uu shaaciyay heshiiska badda ee uu la galay Abiy Axmed.

“Haddaba ninka la yiraahdo Muuse Biixi waxa uu sameeyay waa bareer maba qarsoona, waaba saxiixay ayuu ku leeyahay, isagaa ku faanaayo marka maxaa nooga haboon?” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in Muuse Biixi lala aado dhanka sharciga, isla markaana loo jaro waaran soo qabasho ah, kadibna sidaas lagu maxkamadeeyo.

“Xeer ilaaliyaha guud muxuu qabanayaa? ma haboon tahay in dacwad lasoo oogo ha yimaado ama yuusan imaan, maxkamadna la geeyo isaga oo maqan xittaa waa la xukumi karaa kadibna meesha lagu arko ayaa laga soo qabanayaa” ayuu mar kale yiri Jawaari.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Somaliland oo uu ugu baaqay inay ka horyimaadaan damaca Itoobiya iyo tallaabada culus ee uu qaaday madaxweynahooda.

“Aniga waxaan ku kalsoonahay shacbiga Somaliland ee arrintaan aan uga dambeyno, raalli kama wada ah heshiiskaas” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.