28 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Tartanka cayaaraha maamul goboleedyada oo la hakiyay kadib arrintii shalay dhacday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si KMG ah loogu hakiyay tartankii ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay ciyaaraha, ayada oo go’aankan uu yimid, kadib markii Jimcihii weerar lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed oo dhaawacyo loo gaystay

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyey falkaasi oo dhaliyay carada Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday inay isaga baxday tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Haddaba waxaan idinku wargelineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo sadde maalin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciyaarta u horreyso ayey wasaaraddu sheegtay in la ciyaari doono 16-ka bishaan oo ku beegan maalintada Talaadada ah ee soo socota.

Dhinaca kale taliyaha booliska Jeneraal Sulub Axmed Firin oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dhacdadaas oo u ku tilmaamay in wax laga xumaado.

“Ciyaartii maanta dhacday waxaa ka dhacday fowdo waxaa la dhagax tuuray ciyaartoy waxaa la jajabiyay baskii sabab ay ku dhacdayne lama yaqaano ciyaartii waa dhammaatay” ayuu yiri taliye Sulub.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in booliska uu sameyn doono baaris ku aadan falka lagu dhaawacay qaar kamid ah ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

“Baaris ayaa la sameynayaa ciidanka Booliska kolley shaqadooda way qabsan doonaan, haddii Alle idmo waana la baari doonaa, sida uu dhacay kiiskaasi.

Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.

- Advertisement -

Read more

Local News