Askar ka tirsan DF oo ku dul-dagaalamay shacab ku dabaal dagayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray qaar kamid ah shacabkii u dabaal-dagayay munaasabadda 1-da Luulyo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan.

Ilo-wareedyo kuwa amaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu rasaas furay, waxayna taasi sababtay in ay u jawaabaan ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon. 

“Askari ayaa rasaas ku furay ciidanka ku sugan Godka Jilacow, markii loo jawaabay waxaa dhankooda soo furay rasaas ciidamada Duufaan oo iyagana ku sugnaa banaanka taalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo dumar u badan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. 

Dadka dhaawacmay ayaa saddex qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dumar halka labada kalane ay ahaayeen rag, waxayna dhamaantood dhaawacmeen iyagoo kor ululaya Calanka Soomaaliya markii ay xalay saacada isku taagtay lix saac oo habeennimo taariikhdana ay ku beegantay 1-da Luulyo oo ku began markii ay xurnimada qaateen gobalada Koonfurta islamarkaana ay midoobeen labada gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. 

Xeer ilaalinta guud Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii hore soo saartay digniin ku aadan in aan rasaas la ridi karin markii la gaaro munaasabadda 1-ada Luulyo, waxaana muuqato in amarkaas uusan fulin

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa NISA ayaa la sheegay in ay soo qabteen askarigii xalay rasaasta furay, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.