ASKAR ka tirsan NISA oo dil iyo dhaawac maanta loogu geystay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday askar ka tirsan ciidamada Dharcadda ee hay’adda Nabad Sugidda, kuwaas oo ka howlgala gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku billowday bam-gamceed, waxaana kadib xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada ammanka iyo rag hubeysan oo la sheegey in markaas ay ka soo dageen mooto Bajaaj ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsana ciidamada Dharcadda ee hay’addas NISA.

Dhammaan askarta wax ku noqtay weerarkan ayaa hoostagayey taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Howlwadaag, kaas lagu magacaabo Shakiib.

Xaaladda Suuqa ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socdo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Nabad Sugidda iyo sidoo kale kuwa Booliska Soomaaliya

Si kastaba, weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba.