Yuusuf Madaale oo xilalka ka qaaday gudoomiyeyaal degmo kuwa kalena magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo xil ka qaadis ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwa kalena magacaabay.

Madaale ayaa xilka qaadis ku sameeyey illaa saddex guddoomiye, kuwaas oo kala joogay degmooyinka Boondheere, Waabari iyo Hodan, waxaana loo magacaabay:-

1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye.

2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle.

3-Cali Axmed Faarax ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.

Sidoo kale wargeetada ayaa lagu sheegay in dhammeytirka xeerkan laga rabo waaxada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda hoose iyo waaxda xiriirka degmooyinka.

“Dhammeystirka wixii ka dhimman xeerka fulintiisa waxaa u xil-saaran waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir iyo waaxda xiriirka degmooyinka,” ayaa lagu yiri wareetada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbedallada uu haatan wado guddoomiye Yuusuf Madaale oo uu markale xilkan usoo magacaabay madaxweynaha Xasan Sheekh, isagoo horey sidan oo kale guddoomiyeyaal cusub ugu soo magacaabay Kaxda, Dharkenley iyo Xamar Jajab.