NISA oo fulisay amarkii kasoo baxay Laftagareen – Maxaa maanta ka dhacay Baydhaba?

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ee maamulka Koonfur Galbeed oo fulinayey amarkii kasoo baxay madaxweynaha maamulkaasi ee ahaa la bilaabo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ayaa xalay baaritaano culus ka sameeyey magaalada Baydhabo.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah, sida  Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Sidoo kale ciidamada Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro ah, kuwaas oo ah tuhmanayaal, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaasi kusii daray in iyaga oo ka duulaya fariinta uga timid madaxweynaha Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka bilaabeen caasimada KMG ah ee maamulka, si looga hortego falalka amniga darrada ee ka dhici kara.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda wadanka, kaas oo ujeedka uu yahay in looga adkaado kooxda.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo tegay Baraawe uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanayo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolkaaso inay ka qayb qaataan.

Si kastaba, waxaa haatan inta badan gobollada ka curtay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socdo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.