Ka warramidda arrimaha bani’aadamnimada iyo isbedelka cimilada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – SIMHA, ayaa qabanqaabisay tababar sare oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 30 weriye oo isugu jira tifaftirayaal iyo saxafiyiin xul ah.

Tababarka oo la qorsheeyay in uu socdo seddex maalmood oo ka billaabmaysa sabtida maanta ah ayey suxufiyiintu ku heli doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka tebinta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhibaatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunku ka digayo, Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooyink ka dhashay.

Kooxdan Saxafiyinta oo ka kooban ‘RAG iyo Dumar’ ayaa gebi ahaanba ka halwgala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ujeedka Tababarka

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA ayaa seminaarka ku qeexay mid looga golleeyahay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta yeeshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha bani’aadanimada 

“Maadaama ay Soomaaliya mar walba u dhexeyso ‘daadad iyo abaaro’ oo ah laba aafo oo horseeda burbur hantiyeed, barakac bulsho, baaba’a bii’o iyo xataa dhimashada qaybaha bulshada ee nugul, sida; dumarka, carruurta iyo duqayda, ayaa waxaa ka muwaadiniin ahaan na danqinaya duruufaha iyo diifta haysata dadkeenna….labada musiibo -xilliyeed ayaa waxa ay khubarrada leeyihiin waxaa sababta ugu weyn leh bulshooyinka oo aan faham u haysan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta Isbedelka Cimilada. Sidaas awgeed weriyeyaasha oo ah codka dheer ee gaaraya guud ahaan geyiga ayey Dalladda SIMHA  garatay in la siiyo tababar xirfad-kaab ah oo noociisu yahay markii ugu horreysay,” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey.

Taageerada Tababarka

Hawlgalka QM ee Kaalmaynta Soomaaliya iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u Xilsaaran Dowladda ayaa taabbageliyay Tababarka.

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha SIMHA ayaa qabsoomidda seminaarka uga mahadceliyay dhinacyada fududeeyay.

“Haddii aan la helin taageerada taabbageliyeyaasha UNSOM iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, ma aysan suuragasheen hirgelinta hawshan”

Mas’uuliyiinta Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee dowladda u xilsaaran arrimaha abaaraha iyo gargaarka ayaa ka qaybgalay furitaanka ayaa bogaadiyay abaabulka SIMHA.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga Arrimaha Abaaraha u xilsaaran Soomaaliya oo ka hadlayay seminaarka ayaa sheegay in ay filayaan in saxaafadda qaadato doorkeeda shariifka ah ee ay ugu qareemayso nafaha badbaadada u baahan.

Ka-hor iyo Kadib Tababarka

Kooxda tifaftirayaasha ah ee helay fursadda ka qaybgalka tababarka ayaa ku faraxsan inay wacaal u yeeshaan xaaladaha iyo xaqiiqooyinka halista ku ah bulshadooda.

“Marki hore, ma haysan aragti fiican oo aan ku soi gudbin karnay duruufaha isdulsaaran ee dadkeenna laakin haatan waxa aan awoodnaa in meel sare gaarsiinno codadka kuwa jilicsan si adduunka iyo dadkeennaba u ogaadaan xaaladda dhabta ah” ayuu yiri, Xuseen Axmed oo ah tifaftiraha Dalsan.

Faadumo, oo ah tifaftiraha Danan ayaa sheegtay in sheekooyinka arrimaha bani’aadamnimada aysan keliya ahayn u doodid dhibbaneyaasha’e balse sidoo kalena ay ka mid yihiin soo saaridda curiyeyaasha dhibaatada.

“Ma aha oo keliya in aan tebinno duruufaha dadka naf-badbaadinta u baahan laakin sidoo kalena waa in aan door ku yeelannaa joojinta dhibaatada, sida; duullaanka lagu hayo deegaanka” ayey Tiri faadumo.

Tababarro kale

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Mudane Xasan Cali Geeseey ayaa sheegay in tababarro kale ay dhowrka toddobaad ee soo socda ku qaban doonaan afar magaalo oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayna ka faa’iidaysan doonaa isu-geynta ku dhawaad 200 oo saxafi.

“Suxufiyiinta ku kala sugan dowlad goboleedyada oo dhan waxa aan ugu tegi doonnaa deegaamada ay ka hawlgalaan si aan u gaarno dalka oo dhan. Waxa aan rabnaa in aan u hirgelinno sida ugu dhaqsiyaha badan, si aan wadajir ugu badbaadinno nafaha’ ayuu yiri, Mudane Xasan.