Askar Kufsi iyo dil ka Geysatay Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Labo ka mid ah ciidamada Dowlada Soomaaliya oo horay dil iyo kufsi u geystay ayaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay kadib markii maxkamada ciidamada qalabka ee  dowlada Soomaaliy xukun ku riday.

Kormeerihii labaad ee ciidamada booliska Soomaaliyeed Jamaal Axmed  C/qaad,ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah ,kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sidda ay ku heshay dambi ahaa dil uu u geystay Maxamed Axmed Caddow.

Sidoo kale waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay Cismaan Cali Magan,oo isna lagu eedeeyay inuu geystay gabar ku sugneyd degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Fagaaraha Iskuul Baluuziya ayaa xukunka lagu duliyay waxaana ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sidda,masuuliyiin ka socotay maxkamada ciidamada qalabka sida,iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waa xukunkuu ugu horeeyay oo maxkamada ciidamada qalabka sidda ay fuliso tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu amray in la toogto askarigii kufsi u geysta haween Soomaaliyeed.