Fiqi oo u Dhooftay Dalka Turkiga.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ,iyagoo kusii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Safarka wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ayaa la sheegay in ujeedadiisa ay tahay sidii ay kaga qeyn gali lahaayeen kulan looga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya magaalada Ankara.

C/xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”,wasiirka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ka hor inta uusan dhoofin ayaa sheegay in Ankara masuuliyiinta uu kula soo kulmayo ay ka wada hadli doonaan dhanka amaanka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Ankara ee berito ka furmayo looga hadlay doono arimo ay ka mid yihiin taageerada dhanka amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo arimaha amaanka gobolka.