Askar MASAARI AH ah oo nolosha lagu aasay

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay beerta dalxiiska ee ku taallo deegaanka Lahran oo ka tirsan galbeedka magaalada Quddus iney ku yaalliin qabuuro 55 sana ka hor lagu aasay askar Masaari ah.

Xogtan inta ay warbaahintu shaacin ka hor waxaa beertaasi dhulka weyn ku fadhida loo yaqaannay oo keli ah iney tahay beer dalxiiska looga talo galay. Balse waxaa soo ifbaxday dhulka ay beertaasi ku fadhido qabuuro askar Masaari ah lagu aasay inay ku yaalliin.

Wariyaha reer Israa’iil Yossi Melman ayaa xogta qaburahan shaaca ka qaaday kaddib marki uu in mudda ah uu baaritaan waday.

Yossi wuxuu BBC-da u sheegay baaritaanka qabuuraha askarta Masaarida la xiriirta sanada badan inuu waday, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ay u diideen inuu baahiyo xogta arrintaasi inkasta oo ay markii dambe u oggolaadeen.

Xog laga helay militariga Israa’iilna waxay sheegeysaa in askarta Masaarida 55 sana ka hor halkan lagu aasay, ciidamadaasi oo isugu jira kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa noolasha lagu aasay ama lagu gubay.

Yossi waxaa kale uu sheegay ciidamada Masaarida ee beertaa ku aasan iney kor u dhaafayaan 80 askari oo ka qayb qaatay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil dhexmaray 1967-kii.

20 ka mid ah askartaasina noolasha ayaa lagu aasay sida ay caddeynayaan xogta askartaasi ku saabsan oo uu wariyaha reer Israa’iil soo uruuriyey.

Ciidamada Masaarida ee ay Israa’iil dagaalkii 1967-kii ay ku qabateen marki ay dileen kaddib waxay ku aaseen Latrun oo ku taalla bariga magaalada Quddus, ciidamadaasi oo gaarayey ugu yaraan 80 askari oo 20 ka mid ay ciidamada Israa;iil nolasha ku aaseen.