Dagaal Bakaaro ka dhacay & askari nabadsugid..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay Suuqa bakaaraha, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo ciidamada melatariga Soomaaliya, waxaana uu ka dambeeyay markii ciidamada nabad sugida isku dayeen iney joojiyaan ciidamo ku sugnaa goobta oo militariga ka tirsan.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo muddo daqiiqado ah socday ayaa waxaa sidoo kale waxyeelo ay kasoo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa goobta dagaalka uu ka dhacay, waxaana ku dhaawacmay seddex ruux oo rayid ah.

Saraakiisha ciidamada dagaalamay ayaanan ka hadlin dagaalka ka dhacay Suuqa Bakaaraha, waxaase markii dambe goobta gaaray ciidamo badan oo nabad sugida ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com