“Waan fileynay in DF Somalia ay ka danqaneyso in sirtaan banaanka loo soo saaro” Waxaa yiri…

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay u xiran yihiin Agaasimihii Universal Tv ee Bariga Afrika, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad, ayaa waxaa arrinta xarigaasi ka hadlay Mudanayaal ka tirsan BF Somalia oo sheegay in xariga uu yahay mid DF ay ku dooneyso inay indhaha caalamka ka daboosho waxyaabaha dalka ka jira.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa ka dhiidhiyay in xariga Weriyayaashu yahay mid aan lala marin sharciga Dowlada iyo kan Saxaafada.

Waxa ay sheegen in Saxaafada loo sameeyay inay soo bandhigto wanaaga iyo xumaha si looga feejignaado wixii xun, balse DF Somalia ay dooneyso kaliya in la amaano hadii ay sameyso xumaan iyo wanaagba.

Waxa ay sheegen in Dooda loo xiray Agaasimaha iyo Weriyaha ay tahay mid DF Somalia looga baahnaa inay ku saxdo khaladaadkeeda, hayeeshee ay ka danqatay waxyaabihii loo bidhaaminaayay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa warbaahinta u sheegay in Xariga Wariyeyaashan aan loo marin sida sharcigu qabo, islamarkaana aanay jirin dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga wareysteen, siina daayeen Wareysigooda.

Wariyeyaashan ayaa lagu Xiray Barnaamij ay ka Qayb-qaateen, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Somalia iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, kaasoo ka baxay Telefishinka Universal, waxaana labada wariye ay haatan ku xiran yihiin Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xusay in sharciga Warbaahinta uu wali yaallo Baarlamaanka Somalia, haddii sharcigaasi la meel-mariyana ay wax badan meesha ka baxayaan, sida Wariyeyaasha in la iska xirto.

“Sida aad la wada soctaan sharciga Saxaafada waxa uu wali horyaallaa Baarlamaanka lamana Ansixin. Haddii la meel-mariyo insha allah Saxaafadu waxa ay heli doontaa xoriyad ay Siyaasada ku maamusho, Sharcigaas ayayna xuquuqda oo dhan ku qoran yihiin’’

Sidoo kale, waxaa arrintaasi si kulul u canbaareeyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna Doodii Universal Tv ka baxay ka qaybgalay waxa uuna laamaha amaanka ku dhaliilay talaabadii ay qaaden taasi oo uu ku sifeeyay mid sharci darro ah oo ay kula xisaabtami doonaan Dowlada.

Waxa uu meesha ka saaray in labadaasi Saxafi ay galeen wax danbi ah markii laga reebo inay baahiyeen Wareysiga cida hadashayna ay iyaga ahaayen.

Eedeymahaani oo idil ayaa imaanaya xili Ciidamada NISA ee magaalada Muqdisho ay xarig sharci darro ah kula kaceen Agaasimada Bariga Africa Tv-ga Universal iyo Weriye Cawil Daahir oo kamid ah Barnaamij soo saarayaasha Tv-ga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com