DF Soomaaliya oo baaritaan ku wadda AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare iyo xubno kale ayaa maanta booqday ehelada wiil yar oo dhawaan ciidanka AMISOM ay ku dileen Muqdisho.

Aabaha dhalay marxuumka ayaa madaxda dowladda uga mahadceliyay sida ay u booqdeen, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida ay ula qeybsanayaan xanuunka wiilkooda, isagoo ka codsaday inay baaraan dhacdadan.

Wasiirka amniga gudaha oo la hadlay Warbaahinta booqashada kaddib ayaa sheegay inay guddi shan xubnood ka kooban ay u saareen falka lagu dilay wiilka yar, kuwaasi oo baaritaanno ka soo sameeya sida ay wax u dhaceen.

“Waxaa u saarnay guddi soo baara dilkan, waxaana u xilsaarnay guddi ka kooban shan qof oo sameeya baaritaan dhab ah, guddiga beri ayay si rasmi ah u howl bilaabi doonaan, in loo cadaalad falo wiilka dhinta iyo reerka uu ka baxay waa mid waajib ah oo na saaran, marka xukuumadda gacan ayay ka geysaneysaa sidii muwaadiniinta ay xuquuqdooda u heli lahaayeen”

27/09/2015 ayay ahayd markii uu geeriyooday marxuumka caawa Wasiirka amniga gudaha iyo mas’uuliyinta la socday ay booqdeen gurigii uu ku noolaa, taasi oo loo aaneynayo dhimashadiisa kadib rasaas ay fureen ciidanka AMISOM ee degan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com