Farmaajo oo ka carrooday tallaabadii DF qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si kulul kaga hadlay xariga dowlada Soomaaliya u geysatay wariye Cawil Daahir iyo agaasimaha Tv-ga ee bariga Africa.

Farmajo ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu maqlay xariga wariyasha Tv-ga isagoo la meel dhigay caburinta saxaafada lagu hayo oo uu sheegay ineysan aheyn wax wanaagsan.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay ineysan caburin saxaafada, laakiin lala xisaabtamo dadka wariyaasha ah haddii ay qalad galaan iyaga oo gudaha waajibaadkooda shaqo.

“Waxaan leeyahay arintaasi waa arin aad iyo aad looga xumaado, beryahan waan dhageysanaayay shacabka Somaliyed sida ay uga hadlayeen in la galo Tv-ga Universal oo la xiro Cawil Daahir iyo C/laahi ay xiran yihiin ilaa hada runtii waa arin aad iyo aad looga naxo.” Ayuu yiri Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya ayaa jimcihii xabsiga dhigta wariye Cawil Daahir Salaad iyo C/laahi Xersi Kulmiye oo ahaa agaasimaha Universal ee bariga Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com