Askar shacab dhibaateynaysay oo la qabtay (Maxaa ku dhacay kadib?)

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa  AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan dowlada kuwaasi oo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan Shabeelaha Hoose,sida masuuliyiinta maamulka ay sheegeen.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii,oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in askartaasi ay ku sugnaayeen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Afgooye ee isla gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in askartaasi ay ka wadeen degmooyinkaasi Kufsi iyo dhac loo geysanayay dadka shacabka ah ,isagoo sheegay in maxkamad lasoo taagi doono sida uu hadalka u dhigay.

Ku dhawaad 7 askari ayuu sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada dowlada kuwaasi oo xabsiga la dhigay,maadaama ay dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan degmada marka iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Arinta kasoo yeertay maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa imaanaya iyadoo dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka mudooyinkii ugu dambeeyay ay kasoo yeeraysay cabasho ku aadan dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowlada.